xiddiga cusub ee kooxda Real Madrid ee Arda Guler ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay inuu u dhaqaaqo kooxda Real Madrid isaga oo sheegay in uu doonayo in uu noqdo Halyeeyada kooxda Los Blancos.
kooxda Real Madrid ayaa Ard Guler kala soo wareegtay kooxda Fenerbahce maalintii khamiistii.
Xiddiga Arda Guler ayaa maanta oo jimce lagu soo bandhigay garoonka Santiago Bernabue waxana uu xidhan doonaa lambarka No.24.
xiddiga cusub oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”aad ayaan ugu faraxsanahay in aan ku soo biiro kooxda, waa riyo ii Rumawday”.
“Waxaan jeclaan lahaa inaan ka mid noqdo halyeeyada Real Madrid, waxaana sameyn doonaa wax walba oo aan ku caawin karo kooxda,” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Related