Xiddiga daafaca ka ciyaara ee Jurriën Timber ayaa ku sii dhawaanaya in uu ku biiro kooxda Arsenal sida ay sheegayaan wararku.
Kooxda Arsenal ayaa Ajax kala heshiisay qiimaha xiddiga daafaca ee aadka loo qiimeeyo waxana uu xiddigu wakhti hore la gaadhay Arsenal heshiiska shaqsiga ah.
Haatan wararka ayaa sheegaya in uu Jurriën Timber isku diyaarinayo in uu tijaabada caafimaadka u maro kooxda Arsenal si uu u dhamaystiro heshiiskiisa.
Sida laga soo xigtay Fabrizio Romano, Jurriën Timber ayaa maalinta jimcaha ah ee bari tijaabada caafimaadka mari doona kooxda Arsenal si uu u dhamaystiro ku biiristiisa Arsenal.
Xiddiga Jurriën Timber ayaa qalinka ku duugi doona heshiis wakhti fog ah oo uu ku joogi doono kooxda Arsenal si uga qayb ahaado qorshaha tababare Arteta.
Related