Xiddiga khadka dhexe ee Declan Rice ayaa ku sii dhawaanaya in uu noqdo xiddig Arsenal ah sida ay sheegayaan wararku.
Kooxda Arsenal ayaa West Ham kala heshiisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Declan Rice kaas oo ay doonayso in ay ku xoojiso khadka dhexe.
Sida laga soo xigtay Fabrizio Romano, xiddiga Declan Rice yaa maalinta Jimcaha ee Barri ah tijaabada caafimaadka u mari doona kooxda Arenal.
Rice oo noqday saxiixa ugu qaalisan taariikhda Arsenal ayaa maalinta jimcaha dhamaystiri doona tijaabada caafimaadka.
Isla Romano ayaa sheegay in ay Arsenal doonayso in ay saxiixa xiddiga Declan Rice ku dhawaaqdo 24 saac ee soo socda.

Related



Source link