Daafaca kooxda Arsenal William Saliba ayaa lagu soo waramayaa in uu qalinka ku duugay heshiis cusub oo 4 sano ah oo uu kooxda kula sii joogayo.
Xiddiga ayaa muhiim ka noqday xilli ciyaareedkii dhamaaday kadib markii uu horay ugu fashilmay in uu boos ka helo kooxda sanadihii la soo dhaafay.
Xiddiga reer France ayaa door muhiim ah ka ciyaaray tartankii ay Arsenal ugu jirtay horyaalka premier League ka hor inta ayna dhaawac ku waayin xiddiga.
Heshiiska Saliba ee Arsenal ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedka dambe waxana ay kooxdu aad u riixaysaa in ay heshiis cusub ka saxiixdaan xiddiga.
Haatan saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegaya in uu saliba si Rasmi ah heshiis cusub ugu saxiixay kooxda Arsenal.
Isla saxafiga ayaa sheegaya in ku dhawaaqista Heshiiska cusub ee Saliba la filayo dhawaan laakiin xiddigu qalinka ku duugay heshiis uu kooxda ku joogayo ilaa xagaaga 2028.
Related