Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay qarka u saaran tahay dhamaystirka saxiixa la yaabka leh ee goolhayaha reer Japan ee Zion Suzuki.
Red Devils ayaa isha ku haysay 20-jirka Urawa Red Diamonds tan ilaa 2017 waxana ay haatan talaabadeeda u qaaday sida laga soo xigtay wargayska ka soo baxa japan ee Sponichi.
Wararka ayaa sheegaya in ay United dalab Rasmi ah oo 5 milyan ah ka gudbisay saxiixa Suzuki taas oo ka dhigaysa Goolhayaha ugu qaalin horyaalka J League.
Heshiiska ayaa haatan ku dhaw iyada oo ku dhawaaqista heshiisku qarka saaranyahay haatan.
Xaalada Goolhaye ee Man United ayaa ah mid aad loo hadal hayo suuqa xagaaga iyada oo David De Gea si xor ah uga tagay Kooxda.

Related



Source link