Kooxda Liverpool ayaa chelsea wadahadalo kala furtay daafaca dhexe ee Levi Colwill xilli ay Brighton doonayso saxiixa xiddiga.
Daafaca dhexe ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo qaatay Brighton xili ciyaareedkii hore oo uu amaah kula joogay kooxda waxana uu ciyaaray 17 kulan.
Kooxda Brighton ayaa doonaysay in ay qaab toos ah ula wareegto xiddiga laakiin Chelsea ayaa diiday in ay iibiso xiddiga ilaa haatan.
Qaab ciyaareedka xiddiga 20 jirka ah ayaa soo jiitay kooxda Liverpool kuwaas oo chelsea kala xidhiidhay arintiisa sida laga soo xigtay Liverpool Echo.
Iyada oo 2 sano uga dhimanyahay heshiiskiisa chelsea, Blues ayaa la fahamsanyahay in ay doonayso in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga.
Laakiin xiddiga ayaa ilaa haatan diidan in uu qalinka ku duugo heshiis cusub ilaa loo balan qaadayo in uu noqon doono xiddiga dookha 1-aad ee daafaca dhexe xilli ciyaareedka cusub.
Related