Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Gabriel Jesus ayaa sheegay in dhaawacii soo gaadhay William Saliba ay sabab u ahayd fashilkii Arsenal ee ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedkii hore.
Xiddiga reer France ayaa muhiim ka ahaa kooxda Arsenal iyo daafaceeda waxana uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigay qaybtii hore ee xilli ciyaareedka.
Saliba ayaa ahaa daafaca ugu fiican premier Legaue isaga oo Arsenal ka caawiyay in ay u tartamaan horyaalka premier League.
Kaakiin xiddiga 22 jirka ah ayaa dhaawac kus eegay kulamo badan taas oo keentay in ay Arsenal si weyn u dhibaatooto qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.
Jesus oo dhinaciisa dhaawac ku dhibaatooday qaybtii dambe ee xilli ciyaareedka ayaa sheegay in xiddiga Saliba uu muhiim u yahay kooxda Arsenal isla markaas abab u ahaa dhaawaciis bur-burkii Gunners ee qaybta dambe.
“Marka uu ciyaarayo goolal badan nalagama dhaliyo, marka uuna ciyaarayn goolal badan ayaa nalaga dhaliyaa”ayuu Jesus yidhi.
“Markii uu Saliba dhaawcmay wax walba way adkaatay sidaas darteed ayaan u luminay horyaalka”ayuu sii raaciyay.
Sii Akhriso: Dagaalka Ka Socda Laasacaanood Ma Hor Istaagi Kartaa Aqoonsiga Somaliland? Xildhibaan Gavin Williamson Ayaa Ka Jawaabay.
Related