Erik ten Hag ayaa u sheegay Mason Mount inuu doonayo inuu u noqdo ciyaartoy aad muhiim u ah Manchester United ka dib markii uu kaga biiray chelsea.
Man United ayaa dhamaystirtay saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa xagaaga kadib markii ay Mount kala wareegtay kooxda chelsea.
Xiddiga ayaa iska diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Chelsea sidoo kale waxa uu diiday kooxaha Arsenal iyo Liverpool oo doonayay saxiixiisa.
Kadib markii uu si Rasmi ah u noqday xiddig Man United ah Tababare Ten hag ayaa u sheegay xiddiga in uu doonayo in uu noqdo xiddig muhiim u ah kooxda.
“Waxa aan doonayaa in aad noqotid xiddig muhiim u ah koxdan”ayuu Ten Hag u sheegay xiddiga.
Sii Akhriso: Dagaalka Ka Socda Laasacaanood Ma Hor Istaagi Kartaa Aqoonsiga Somaliland? Xildhibaan Gavin Williamson Ayaa Ka Jawaabay.
Related