Kooxda Man United ayaa adduunka kubada cagta ka yaabsatay kadib markii ay No.7 siisay saxiixeeda cusub ee Mason Mount.
Mounta ayaa shalay si Rasmi ah ugu biiray kooxda Man United waxana uu noqday saxiixii ugu horeeyay ee kooxdu samayso suuqa xagaaga.
Sababta ay Man United u siisay Lambark No.7 ayaa ah in ay muujiso sida uu xiddigu muhiim uga yahay kooxda iyo qorshohooda mustaqbalka.
Xiddiga Alejandro Garnacho ayaa si weyn loola xidhiidhinayay in uu qaato Lambarka No.7 laakiin United ayaa xiddiga cusub ee Mount siisay Lambarka.
Si ay xiddiga reer England ugu muujiso muhiimada uu ku leeyahay kooxda taas oo ka mid ahayd sababtii ay ugu qancisay in uu iska diido kooxaha kale kana doorto Man United.
Xiddiga Mount ayaa xidhan doona lambarka No.7 oo uu baneeyay Cristiano Ronaldo sanadkii hore sidoo kale kooxda u soo xidheen xiddigaha George Best, Bryan Robson, Eric Cantona & David Beckham.

Related



Source link