Rio Ferdinand ayaa aaminsan in Declan Rice uu Arsenal u noqon doono saxiix aad u fiican laakiin waxa uu calaamad su’aal galiyay sida uu ula qabsan doono iyo hadii uu xamili karo cadaadiska qiimaha laga bixiyay.
Kabtanka West Ham ayaa todobaadkan noqon doona xiddig Gunners ah kadib markii ay 2 kooxood heshiis buuxa ka gaadheen saxiixa xiddiga waxana la filayaa in heshiiskiisa lagu dhawaaqo maalmaha soo socda.
Ferdinand ayaa taageere weyn u ah Rice laakiin waxa uu sheegay in ku biiristiisa Arsenal ay aad uga duwanaan doonto wixii uu horay ugu soo arkay West Ham.
“Marka aad joogtid koox West Ham oo kale ah laakiin aad ku biirtid koox weyn oo Arsenal oo kale ah waa talaabo aad horay u qaaday”ayuu Ferdinand yidhi.
“Declan Rice waxa uu ku noqon doonaa xiddig fiican laakiin waxa uu ku so biiri doonaa koox weyn oo doonaysa in ay koobab ku guulaysato farqiguna waa in uu u ciyaarayay koox aan koobab waaweyn u tartamayn”.
“Sidoo kale waxa culays ku keeni doona lacagta badan ee laga soo bixiyay waxana ay ku keeni kartaa in uu ku fashilmo”ayuu sii raaciyay.
Related