Manchester United ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo saxiixa goolhayaha Brighton Robert Sanchez iyadoo ay weli socoto raadinta goolhaye cusub.
Andre Onana ayaa ahaa bartilmaameedka 1-aad iyaga oo doonaya in ay ku badalaan David De Gea laakiin Goolhayaha Inter ayaa qaali ku ah Kooxda Man United.
Sida laga soo xigtay Daily Mail, Man United ayaa raadsanaysa badal aad u jaban waxana ay doonaysaa Goolhayaha Brighton ee Sanchez kaas oo aan lagu iibin doonin wax ka badan 30 milyan.
Goolhaye Sanchez ayaa ka baxay qorshaha Brighton waxana uu booskiisa u waayay Goolhaye Jason Steele.
Sanchez ayaa 90 kulan u ciyaaray premier League kooxda Brighton Laakiin waxa uu inta badan xilli ciyaareedkii hore ku qaatay kaydka.

Related



Source link