Halyeeyga Kooxda Man United ee Paul Ince ayaa kooxdiisii hore u sheegay in ay si lama filaan ah ugu dhaqaaqdo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal Thomas Partey.
Inkasta oo ay la soo saxiixdeen xiddiga Mason Mount, hadana Ince ayaa aaminsan in ay kooxdiisii hore u baahantaay ugu yaraan hal xiddig oo kale oo khadka dhexe ah xagaagan.
Red Devils ayaa lala xiriiriyay kabtanka West Ham Declan Rice ka hor inta aysan u muuqan inuu ku wajahan yahay Arsenal halka ay wali xiiso u qabaan saxiixa xiddiga Brighton ee Moises Caicedo.
Laakiin Ince ayaa u sheegay Man United in ay la soo saxiixato xiddiga Arsenal ee Thomas Partey.
Partey ayaa ka mid ahaa xiddigaha ugu muhiimsan Arsenal qaybtii hore ee xilli ciyaareedkii hore ka hor inta uuna qaab ciyaareedkiisu hoos u dhicin qaybtii dambe.
Gunners ayaa u muuqata kuwo u furan in ay iibiyaan Partey hadii ay helaan dalab fiican waxana lala xidhiidhinayaa kooxda Juventus.
“Sida iska cad waxa jirta hadal hayn badan oo ku saabsan Caicedo”ayuu Ince u sheegay Betway.
“Laakiin waxa aan jecelahay in ay la soo saxiixdaan Franck Kessie ama Thomas Partey”.
“Waxa jirta suurtagal uu Thomas Partey uga tagayo Arsenal sidaas darteed waxa uu noqon lahaa saxiix cajiib u ah kooxda”ayuu sii raaciyay.

Related



Source link