Madaxweynaha Kooxda PSG ee Nasser Al Khelaifi ayaa ka hadlay mustaqbalka xiddiga kooxda ee Kylian Mbappe kaas oo uu shaki ku jiro mustaqbalkiisu.
Mbappe oo uu heshiiskiisu dhacayo sanadka dambe ayaa diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa isaga oo doonaya in uu isaga tago kooxda.
Xiddiga reer France ayaa doonaya in uu qaab xor ah uga tago kooxda marka uu dhoco heshiiskiisa kooxda reer France xagaaga dambe.
Laakiin Nasser Al Khelaifi ayaa sheegay in ayna doonayn in uu xiddiga Mbappe qaab xor ah uga tago kooxda xagaaga dambe.
“Ma doonayno inuu bilaash ku baxo sanadka 2024″ayuu Nasser Al Khelaifi yidhi.
“Mawqifkayagu waa cad yahay. Haddii Kylian uu doonayo inuu sii joogo, waxaan dooneynaa inuu sii joogo laakiin wuxuu u baahan yahay inuu saxiixo heshiis cusub”.
“Ma dooneyno inaan ku weyno ciyaaryahanka ugu fiican adduunka bilaash, waa wax aan macquul aheyn.”

Related



Source link