Manchester United ayaa xaqiijisay inay dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Mason Mount kaas oo ay kala soo wareegtay chelsea.
Mount waa saxiixii ugu horeeyay ee Erik ten Hag xagaaga iyadoo tababaraha reer Holland doonayo in uu dib u dhis ku sameeyo kooxda Man United.
“Aad ayaan u hami weynahay,” ayuu yidhi xiddiga reer England yidhi.
“Waan ogahay sida cajiibka ah ee ay dareento marka koobab lagu guulaysto”.
“Waxa aan wax walba u samayn doonaa sidii aan Man United koobab ugula guulaysan lahaa”.
Mount ayaa heshiis wakhti fog ah u saxiixay kooxda Man United waxana uu soo afjaray sanado badan oo uu joogay kooxda ku ciyaarta Stamford Bridge.
Related