Rio Ferdinand ayaa aaminsan in ‘Chelsea ay ka shalayn doonto iibinta Mason Mount’ maadaama uu ku biirayo Manchester United.
Man United ayaa Salaasadii si Rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa xiddiga iyada oo soo afjartay 18 sano oo uu shaki ku jiray mustaqbalkiisa.
Xiddiga khadka dhexe ayaa iska diiday in uu heshiis cusub u saxiixay kooxda chelsea taas oo keentay in ay Blues iska dirto xididga halkii ay xor ku waayi lahayd xagaaga dambe.
Ferdinand ayaa haatan sheegay in ay Chelsea ka shalayn doonto ka tagista xiddiga khadka dhexe ee Mount xilli uu ku faraxay in ay kooxdiisu la wareegtay xiddiga.
“Aad ayaan ugu faraxsanahay imaatinka Mount” ayuu soo dhigay Twitter-ka markii uu ka falcelinayay warka.
“Waa xiddig da’yar ah oo Hibo leh sidoo kale u gaajaysan koobab sidoo kale waa xiddig khibrad u leh kulamada waaweyn iyo u ciyaarista cadaadiska ka imanaya u ciyaarista Man United”.
“Runta hadii aan ka hadlo waxa aan qabaa in ay chelsea ka shalayn doonto iibinta Mason Mount”.
Related