Paul Merson ayaa chelsea ku weeraray go’aanka ay xiddigaha Mason Mount iyo Kai Havertz uga iibisay kooxaha ay sida tooska ah u xafiiltamaan ee Man United iyo Arsenal.
Chelsea ayaa Havertz ka iibisay kooxda Arsenal kadib markii uu xiddiga reer Germany 65 milyan ugu biiray kooxda ay Blues ku xafiiltamaan London ee Arsenal.
Mount ayaa sidoo kale ku dhaw in uu ku biiro kooxda Man United isaga oo 60 milyan ugu biiri doona 24 saac ee soo socda.
Merson ayaa sheegay in ay maamulka chelsea si weyn u khaldameen kadib markii ay xiddigohooda ka iibiyeen kooxaha ay cadawga yihiin.
“Hadii aan runta ka hadlano, iibinta Mount iyo Havertz ma ahan wax fiican, ilaa haatan ma garanayo sababta”ayuu Merson u sheegay Sky Sport.
“Waxa laga yaabaa in ay macno samaynayso hadii ay chelsea u baahantahay lacag laakiin wax macno ah ma samaynayso hadii ayna lacagtaas u baahnayn”.
“Waan fahmi lahaa hadii ay ka iibin lahaayeen Real Madrid ama Bayern Munich laakiin may ahayn in ay ka iibiyaan laba koox oo cadaw ku ah oo ay isku horyaal ka dagaalamayaan”.

Related



Source link