Kooxda Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay codsi u dirtay xiddiga khadka dhexe ee Moises Caicedo si ay u helaan saxiixiisa.
Chelsea ayaa laga diiday 3 dalab oo ay ku doonayso xiddiga khadka dhexe ee aadka loo qiimeeyo iyaga oo bartilmaameedka 1-aad ka dhigtay saxiixiisa.
Sida laga soo xigtay tribuna, kooxda chelsea ayaa Caicedo u sheegtay in uu warqada bixitaanka u gudbiyo kooxda Brighton si ay ugu fududaato in uu ku biiro kooxda.
Kooxda Brighton ayaa doonaysa lacag dhan 80 milyan oo euro oo waliba halka hore laga bixinayo taas oo ay chelsea diidantahay in ay samayso.
Waxa xusid mudan in Caicedo suuqii January warqada bixitaanka u gudbiyay kooxdiisa si uu ugu qasbo in uu ku biiro kooxda Arsenal laakiin Brighton ayaa diiday in ay iibiso xiddiga.
Related