Wararka ka imaanaya dalka Portugal ayaa sheegaya in Chelsea ay si firfircoon ula shaqeyneyso Jorge Mendes si ay ula saxiixato Goolhaye Diogo Costa kadib markii ay Man United ka meer-meertay saxiixa xiddiga.
Kooxda Erik ten Hag ayaa si dhow ula socotay xiddiga reer Portugal laakiin Red Devils ayaa diidan in ay bixiso lacagta 65-ka milyan ee lagu bur-burinayo heshiiskiisa.
Wargeyska Portuguese-ka ah ee A Bola ayaa ku warramaya in Chelsea ay diyaar u tahay inay ka faa’iidaysato xaalada ay ku jirto Man United kuna garaacdo saxiixa Goolhayaha reer Portugal.
Chelsea ayaa Costa u aragta badalka Arrizabalaga kaas oo uu shaki ku jiro mustaqbalkiisa maadama uuna Mauricio Pochettino doonayn Goolhayaha reer Spain.
Blues ayaa la xidhiidhay Wakiilka Costa ee Mendes si ay ugu qanciso in uu Goolhayuhu yimaado Stamford Bridge suuqa xagaagan.
Sii Akhriso: Khasaaraha Ka Dhashay Weerarkii Saaka Lagu Qaaday Magaalada Muqdisho La Ogaaday
Related