Halyeeyga kooxda Arsenal ahna Khabiirka Sky Sport ee Paul Merson ayaa soo doortay saxiixyadiisa ugu fiican ee ay sameeyeen kooxaha premier League ilaa haatan.
Suuqa xagaaga ayaa meel xiiso leh maraya iyada oo kooxaha kala duwan ka shaqaynayaan sidii ay u xoojin lahaayeen kooxohooda ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
Kooxaha chelsea, Man United, Liverpool iyo Arsenal ayaa dhamaantood sameeyay saxiixyo halka ay Tottenham sidoo kale samaysay saxiixyo ilaa haatan.
Merson ayaa soo doortay Liiska saxiixyada ugu fiican ee ay ilaa haatan kooxaha premier League sameeyeen ilaa haatan.
James Maddison – Tottenham Hotspur:
Kooxda Tottenham ayaa si lama flaan ah ugu dhaqaaqday saxiixa xiddiga James Maddison kaas oo ka tagay kooxda ka hadhay horyaalka premier League ee Leicester City.
Mason Mount – Manchester United:
Man United ayaa Mount ka dhigtay saxiixa ugu horeeya ee suuqa xagaaga waxana uu Merson u arkaa in uu ka mid yahay saxiixyada ugu fiican ee ay smaeeyeen kooxaha premier Legaue.
Kai Havertz – Arsenal:
Arsenal ayaa Kai Havertz ka dhigtay saxiixeedii ugu horeeyay waxana ay kala wareegtay kooxda chelsea kuwaas oo iska iibiyay xiddiga reer Germany.
Alexis Mac Allister – Liverpool:
Liverpool ayaa qiimo aad u jaban oo cid walba ka yaabisay kula saxiixatay xiddiga khadka dhexe ee Alexis Mac Allister iyaga oo xiddiga reer Argentine kula wareegay kaliya 35 milyan oo euro.
Christopher Nkunku – Chelsea:
Chelsea ayaa xiddiga reer France ee Nkunku ka dhigtay saxiixyadeeda suuqa xagaagan kadib markii ay kooxda RB Leipzig kala heshiisay saxiixiisa xagaagii hore.

Related



Source link