Steven Gerrard ayaa lagu soo waramayaa in uu dar-dar galinayo in ay kooxdiisa Al-Ettifaq u dhaqaaqdo kabtanka kooxda Liverpool ee Jordan Henderson.
Tababarihii hore ee Aston Villa ayaa noqday tababaraha koox ka ciyaarta horyaalka sucuudiga.
Sida laga soo xigtay Mailonline, Gerrard ayaa doonaya in uu kooxdiisa cusub keeno kabtanka liverpool ee Henderson si uu u dhiso koox tartami karta.
Henderson ayaa ka soo garab ciyaaray Gerrard markii ay wada joogeen Liverpool halka ay sidoo kale isaga soo garab ciyaareen xulka qaranka England.
Xiddiga 33 jirka ah ayuu heshiiskiisa Liverpool ka dhimantahay 2 sano waxana ay Liverpool samaynaysaa saxiixyo badan oo khadka dhexe ah taas oo keeni karta in ay albaabka u furto in uu la midoobo kabtankiisii hore.
Sii Akhriso: Magaalada Muqdisho Oo Hoobiyayaal Lagu Weeraray & Cidda Sheegatay Weerarkaas.
Related