Xiddiga Mason Mount ayaa xaqiijiyay in uu isaga tagayo kooxda chelsea xilli uu ku dhawyahay in uu ku biiro chelsea.
Man United iyo chelsea ayaa todobaadkii hore ka heshiiyay qiimaha xiddiga iyada oo United isku diyaarinayso in ay ku dhawaaqdo xiddiga.
Xiddiga ayaa tijaabada caafimaadka Man United ku baasay waxana uu ogolaaday heshiis 5 sano ah oo uu ku joogi doono Old Trafford.
Mount ayaa haatan xaqiijiyay in uu ka tagayo kooxda chelsea isaga oo fariin u diray taagerayaasha kooxdiisii hore.
“Marka la eego wararkii xanta ahaa ee ku saabsanaa mustaqbalkayga 6-dii bilood ee ugu dambeeyay uma malaynayo in ay la yaab ku noqonayso cidna”ayuu yidhi.
“Laakiin arintaas kama dhigayso mid fudud in aan idiin sheego in aan go’aansaday in aan ka tago chelsea”.

Related



Source link