Halyeeyga Kooxda Man United ee Rio Ferdinand ayaa amaanay in ay Man United la saxiixato xiddiga Mason Mount waxana uu sheegay in uu ka fiicanyahay saxiixda Arsenal ee Kai Havertz.
Mount ayaa ku dhaw in uu noqdo xiddig Man United ah kadib markii uu ku baasay tijaabada caafimaadka Red Devils kadib markii ay chelsea kala heshiisay qiimaha.
Xilli uu hal sano ka dhimanaa heshiiskisia chelsea, Man United ayaa la kulantay dhaleecayn ah in ay lacag aanu u qalmin ka bixisay xidiga laakiin Rio Ferdinand ayaa u jawaabay dadkaas.
“Waxan aan u malaynayaa in uu Moun yahay saxiix fiican”ayuu Rio Ferdinand yidhi.
“Waxa uu noqon doonaa xiddig qiimo ku leh kooxda, waa ciyaartoy fiican, waan jecelahay sida uu u ciyaaro kubada”.
“Tababare walba waxa uu ahaa mid adeegsada wax fiican mooyaane wax kale kama arkin, xilli ciyaareedkii hore waxa dhibay dhaawac laakiin waxa uu qabtay shaqo fiican labadii xilli ciyaareed ee hore”.
“Kai Havertz ma qaban shaqada uu Mount qabtay marka la eego goolasha iyo caawinta, sidaas darteed Mount ayaan aaminsanahay in uu ka fiicanyahay Havertz”.
Related