Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay diirada saarayso dhamaystirka saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Southampton ee Romeo Lavia kadib markii ay la soo degtay Dominik Szoboszlai sida uu sheegay saxafiga Belgian Sacha Tavoleri.
Waxa uu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray: “Liverpool waxa ay hadda xooga saaraysaa heshiiska Romeo Lavia, waan fahamsanahay in wadahadalada dhanka ciyaartoyda iyada oo uu xiddigu ku dhawyahay in uu ogolaado ku biirista kooxda”.
“Liverpool ayaa doonaysa in uu xiddigu diyaar u noqdo ka qayb galka tababarka ugu horeeya ee ay kooxdu isugu diyaarinayso xilli ciyaareedka”.
“Reds waxa horay loogu sheegay qiimaha xiddiga ay Southampton ku iibinayso xiddiga, waxa ay isku dayi doontaa in ay 40 milyan ku dhamaystirto heshiiska xiddiga”.
“Liverpool ayaa la filayaa in ay maalmaha, saacadaha ama todobaadyada soo scoda ka gudbiso dalab ay ku doonayso xiddiga”.
Sii Akhriso: Khasaaraha Ka Dhashay Weerarkii Saaka Lagu Qaaday Magaalada Muqdisho La Ogaaday

Related



Source link