Wiilka cusub ee Liverpool Dominik Szoboszlai ayaa talo ka raadiyay Erling Haaland ka hor inta uusan u dhaqaaqin England iyada oo labada xiddig ku xafiiltami doonaan Prmeier League.
Szoboszlai ayaa 60 milyan ugu soo biiray Reds iyada oo Kooxdu bixisay lacagtii lagu bur-burinayay heshiiskiisa kooxda RB Leipzig.
Xiddiga reer Hungary ayaa qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda ku ciyaarta Anfield.
22-sano jirkaan ayaa ka soo baxay Akademiyada Red Bull isaga oo isku maray kooxaha Leipzig iyo Salzburg taas oo keentay in ay iska garab ciyaaraan Haaland.
Xiddiga Man City ayaa Szoboszlai kula taliyay in uu yimado England iyada oo labada xiddig ku xafiiltami doonaan premier League.
Szoboszlai oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waan wadahadalnay Haalan, muddo dheer ayaan wadahadalanay waxana uu igala taliyay helista dhinaca guryaha waxana aan noqon karnaa kuwo jaar ah, waxa aan isaga ka bartay xiddigo badan oo ku nool bartamaha magaalooyinka Mancherster iyo Liverpool”.
Sii Akhriso: Khasaaraha Ka Dhashay Weerarkii Saaka Lagu Qaaday Magaalada Muqdisho La Ogaaday

Related



Source link