Weeraryahanka Chelsea Christopher Nkunku ayaa u hambalyeeyay saxiixa cusub ee Liverpool Dominik Szoboszlai, ka dib markii uu lacag badan uga soo wareegay RB Leipzig.
Weeraryanaka reer France ee Nkunku ayaa fariin u diray xiddigii hore ee ay isku kooxda ahaayeen kadib markii uu ku biiray Liverpool.
“Hambalyo Walaal”ayuu u diray xiddiga Szoboszlai isaga oo fariinta u mariyay boggsa Instagram.
Dominik Szoboszlai Iyo Christopher Nkunku ayaa u wada ciyaarayay kooxda RB Leipzig xilli ciyaareedkii hore waxana ay si weyn uga caawiyeen kooxda in ay guulo gaadhaan.
Labada xiddig ayaa haatan xilli ciyaareedka dambe ku xafiiltami doona Premier Leaue maadama ay u kala ciyaari doonaan kooxaha Liverpool iyo chelsea.

Related



Source link