Xiddigii hore ee Arsenal Paul Merson ayaa rajo ka qaba saxiixa cusub ee Gunners Kai Havertz.
Kooxda ka dhisan waqooyiga London ayaa Havertz kala soo wareegtay kooxda ay London ku xafiiltamaan ee Chelsea aduun dhan 65 milyan oo euro.
Xiddiga reer Germany ayaan waqti fiican la qaadan Blues tan iyo markii uu kaga soo biiray Bayer Leverkusen sanadkii 2019 isaga oo dhaliyay 32 gool 15 kalena caawiye ka noqday 139 kulan oo uu ciyaaray.
Havertz ayaa dhaliyay kaliya sagaal gool waxaana uu caawiyay hal gool 47 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkii hore waxana uu lumiyay fursadaha ugu badan goolka hortiisa.
Si kastaba ha ahaatee, Paul Merson ayaa aaminsan in xiddiga reer Jarmal uu u noqon doono ‘Saxiix fiican’ Arsenal.
“Inkasta oo uusan soo bandhigin qaab ciyaareed fiican sanadkii hore, Havertz waxa uu Arsenal ka dhigi doonaa koox wanaagsan”.
“Kai waa xiddig leh tayo heer sare ah, waxa uu ka ciyaari karaa boosas badan waana xiddig maskax badan, waxa uu wax weyn ku soo kordhin doonaa kooxda”.

Related



Source link