Kooxda Atalanta ayaa lagu soo waramayaa in ay Man United ka diiday dalabkii 2-aad ee ay ka gudbisay weeraryahanka Rasmus Hojlund sida ay sheegayaan wararku.
Man United ayaa xiddiga 20 jirka ah ka dhigatay bartilmaameedkeeda 1-aad ee suuqa kala iibsiga xagaaga kadib markii ay ka baxday tartanka ay ugu jirto xiddiga Harry Kane.
Saaka ayay ahayd markii ay soo bexeen warar sheegaya in ay Man United diyaarinayso dalab Cusub oo ay doonayso in ay ku xoojiso weerarka xilli ciyaareedka dambe.
Man United ayaa horay ugu fashilantay dalab 30 milyan ah oo ay ka gudbisay xiddiga Rasmus Hojlund iyada oo uu Erik Ten Hag taageere u yahay kooxda.
Red Devils ayaa haatan dalab 40 milyan ah ka gudbisay saxiixa xiddiga Rasmus Hojlund laakiin Atalanta ayaa isla markiiba diiday dalabka kooxda Man United.
Sida laga soo xigtay 90min, Atalanta ayaa dalban doonta lacag dhan 64 milyan oo euro si ay u fasaxdo xiddiga reer Denmark.

Related



Source link