Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay dalab cusub ka gudbinayso saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Atalanta ee Rasmus Hojlund kadib markii laga diiday dalabkoodii furitaanka ahaa.
Man United ayaa dalab 30 milyan ah laga diiday kaas oo ay ka gudbisay saxiixa xiddiga Rasmus Hojlund todobaadkii hore.
Kooxda Man United ayaa diyaarinaysa dalab cusub oo 40 milyan oo euro ah si ay u hesho saxiixa xiddiga Rasmus Hojlund kaas oo ay u doonayso in ay ku xoojiso weerarka.
20 jirkan ayaa ugu Cad-cad in uu noqdo weeraryahanka cusub ee kooxda Man United ah kadib markii ay ku adkaatay in ay la soo saxiixato xiddigaha Harry Kane iyo Victor Osimhen.
Tababaraha Man United ee Erik Ten Hag ayaa taageero weyn u ah xiddiga reer Denmark waxana uu doonayaa in uu keeno kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe.
Sii Akhriso: Ururka Iskaashiga Islaamka Oo War Ka Soo Saaray Kitaabkii Lagu Gubay Dalka Sweden.

Related



Source link