Madaxweynaha Kooxda Barcelona ee Joan Laporta ayaa sheegay in uu Lionel Messi uu kooxda ku leeyahay mushahar 2 sano ah la xidhiidha labadii sano ee ugu dambeeyay heshiiskiisa kooxda.
Warkan ayaa imanayaa xilli uu dagaal afka ah dhexmaray Lionel Messi iyo Barcelona kuwaas oo baraha bulshada isku marinayay hadalo kala duwan.
Messi ayaa sheegay ka dib markii uu ku biiray Inter Miami in sababta uu ugu laaban waayay Barcelona ay tahay khibradiisii hore dhaqaale xumada kooxda.
Markii uu Messi ka tagay Barcelona 2021, kooxda ayaa ku jirtay xaalad dhaqaale xumo iyadoo ciyaartoy magac weyn leh lagu qasbay inay mushahar dhimis sameeyaan.
Messi ayaa sheegay in arimo la mid ah tii hore ay wali ka taagantahay kooxda xagaagan taasina sabab u ahayd in uu dib ugu soo laaban waayo kooxda.
Waxa uu yiri: “Runtii waxaan doonayay [in aan ku biiro Barcelona], aad ayaan ugu farxay in aan dib u soo laaban karo, laakiin ka dib markii aan la kulmay wixii aan la kulmay iyo wixii aan la kulmay bixitaankaygii hore ma doonayn in ay igu dhacdo xaaladaas oo kale”.
Wareysi uu siiyay majaladda Catalan ee La Vanguardia, madaxweynaha Barca Laporta ayaa xaqiijiyay in arrimaha dhaqaalaha ee soo kala dhex galay kooxda iyo Messi aan si buuxda loo xalin – iyadoo Messi wali lacag ku leeyahay kooxda.
Waxa uu yidhi “Waxa uu Messi kooxda ku leeyahay waa lacagtii uu dib u dhigay ee mushaharkiisa ee maamulkii hore waxana ay lacagtaas gaadhaysaa ilaa sanadka 2025″.
Sii Akhriso: Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan Oo Si Adag Uga Hadlay Kitaabkii Lagu Gubay Dalka Sweden.

Related



Source link