Saxiixa cusub ee Dominik Szoboszlai ayaa todobaadkii mushahar ahaan u qaadan doona lacag dhan 120 kun oo Gini todobaadkii.
Xiddiga ayaa shalay si Rasmi ah ugu biiray Liverpool isaga oo noqday xiddigaii 2-aad ee ku biira kooxda intii uu furnaa suuqu.
Dominik Szoboszlai ayaa noqon doona xiddiga 12-aad ee ugu mushaharka badan kooxda Liverpool xilli ciyaareedka soo socda.
Dominik Szoboszlai ayaa ka dambayn doona xiddigo ay ka mid yihiin Mac Allister, Van Dijk, Salah, Fabinho, Jota iyo Henderson.
Laakiin waxa uu ka mushahar badnaan doonaa xidigo ay ka mid yihiin Konate, Matip iyo Gomez
Halkan Hoose Kaga Bogo xiddigaha ugu mushaharka badan Liverpool kadib Dominik Szoboszlai
Salah £350,000 (Todobaadkii)
Van Dijk £220,000
Thiago £200,000
Trent £180,000
Fabinho £180,000
Alisson £150,000
Mac Allister £150,000*
Henderson £140,000
Jota £140,000
Gakpo £120,000
Szoboszlai £120,000
Matip £100,000
Robertson £100,000
Gomez £85,000
Konate £70,000
Related