Kooxda Southampton ayaa lagu soo waramayaa in ay Liverpool ka diiday dalab Rasmi ah oo ay Reds ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Romeo Lavia sida ay sheegayaan wararku.
Liverpool ayaa u muuqata kuwo dar-dar galinaya qorshohooda suuqa kala iibsiga iyaga oo doonaya in ay horay u dhamaystaan saxiixyadooda ka hor inta ayna bilaaban tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Kooxda Klopp ayaa dalab Rasmi ah oo dhan 30.2 milyan euro miiska u saartay kooxda Southampton si ay u helaan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Romeo Lavia.
Laakiin Southampton ayaa isla markiiba diiday dalabka Liverpool iyada oo xiddiga ku qiimaysa lacag intaas ka badan.
Wararka ayaa sheegaya in ay Liverpool dalaka gudbisay 24-kii saac ee la soo dhaafay iyaga oo doonaya in ay dhamaystiraan saxiixa xiddiga.
Isla wararka ayaa sheegaya in ay Liverpool diyaarinayso dalab cusub oo ay ku dhawdahay in ay mar kale ka gudbiso xiddiga khadka dhexe.
Sii Akhriso: Madaxweynaha Ruushak: Waa Dambi In La Gubo Kitaabka Qur’aanka

Related



Source link