Tababaraha Man United Erik Ten Hag ayaa ka fiirsanaya dookh jaban maadama ayna kooxda Man United awoodin in ay bixiso 50-ka milyan ee ay Inter ku iibinayso Goolhaye Andre Onana.
27-sano jirkaan ayuu Ten Hag u aqoonsaday badalka David De Gea kaas oo uu shaki ku jiro mustaqbalkiisa.
Goolhayaha reer Spain ayaa xor ah kadib markii uu heshiiskiisu dhacay jimcihii.
Inkasta oo ay United wadahadalo kula jirto De Gea si uu heshiis cusub ugu saxiixo kooxda hadana Ten Hag ayaa suuqa ugu jira Goolhaye kale.
Onana ayaa diyaar u ah in uu ku biiro Old Trafford laakiin United ayaan diyaar u ahayn in ay bixiso lacag dhan 50 milyan.
Laakiin kadib markii ay 60 milyan kula saxiixatay Mount United ayaa ka cabsi qabta in ay jabiso xeerka dhaqaale wanaaga.
Ten Hag ayaa kaliya haysta lacag dhan 120 milyan si uu ugu xoojiyo kooxdiisa waxana la filayaa in lacagta u hadhay uu kula soo saxiixdo weeraryahanka.
Sidaas darteed Man United ayaa doonaysa midkood Goolhayaha kooxda Frankfurt ee Kevin Trapp iyo Goolhayaha Feyenoord ee Justin Bijlow.
Sii Akhriso: XASAASI: Dadka Ku Nool Garoowe Oo Ka Qaxaya Magaalo Madaxda Puntland, Sabab
Related