Manchester City ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo xiddiga Barcelona Frenkie de Jong ka dib markii ay weyday Declan Rice.
Kooxda Man City ayaa dalab 90 milyan ah ka gudbisay kabtanka West Ham ee Declan Rice bilowgii todobaadkan laakiin kooxda Arsenal ayaa u muuqata in ay ku guulaysteen tartanka.
Rice ayaa la filayaa in uu todobaadka dambe ku biiro kooxda Arsenal laakiin City ayaa suuqa ugu jirta xiddig khadka dhexe ah iyada oo uu Ilkay Gundogan ka tagay kooxda waxana ay doonayaan xiddiga Barcelona ee De Jong.
De Jong ayaa ka soo baxay xilli ciyaareed cajiib ah kadib markii uu iska diiday ku biirista Man United xagaagii hore.
Xiddiga reer Netherlands ayaa ka mid ah xiddigaha la filayo in mar kale si weyn loo hadal hayo suuqa kala iibsiga xagagaan.
Wargayska The Sun ayaa sheegaya in Pep Guardiola uu doonayo in uu xiddiga 26 jirka ah keeno kooxda Man City inta lagu jiro suuqa xagaagan.
Tababaraha Man City ayaa xagaagii 2019 isku dayay in uu keeno xiddiga kooxda Man City laakiin xididga ayaa ka doortay ku biirista Barcelona.
Sii Akhriso: Waddamada Ugu Awooda Badan Africa Dhinaca Militariga Oo La Soo Saaray, Halkee Ayay Somaliya Ku Jirtaa?
Related