Kooxda Liverpool ayaa si Rasmi ah u soo bandhigtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Dominik Szoboszlai kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda RB Leipzig.
Liverpool ayaa Dominik Szoboszlai ka soo bixisay 70 milyan oo euro waxana uu qalinka ku duugay heshiis wakhti fog ah oo uu ku joogi doono kooxda.
Dominik Szoboszlai ayaa qalinka ku duugay heshiis ilaa xagaaga 2028 ah waxana uu noqday saxiixii 2-aad ee ay samaysay kooxda Liverpool xagaaga.
Xiddiga Dominik Szoboszlai oo ka hadlaya dareenkiisa ku biirista Liverpool ayaa yidhi”Runtii waa wax wanaagsan, waan ku riyaaqay dhawrkii maalin ee aan joogay halkan”.
“Kooxdan waa koox taariikhi ah, waxa ay haystaan xiddigo fiican iyo tababare fiican, aniga ahaan waa kooxda ugu fiican ee aan u qaadi karo talaabadayda xigta”ayuu sii raaciyay.
Sii Akhriso: DEG-DEG: Culimada Soomaaliyeed Oo War Ka Soo Saartay Kitaabkii Lagu Gubay Dalka Sweden.

Related



Source link