Goolhayaha kooxda Man United ee David de Gea ayaa bartilmaameed u noqday kooxda Cristiano Roanldo u ciyaaro ee Al-Nassr iyada oo xirfadiisa Man United soo dhamaanayso.
Goolhayaha ayaa noqon doona xiddigii ugu magaca weynaa ee ugu dambeeyay ee aada horyaalka sucuudiga isaga oo Ronaldo kula biiri kara kooxda Al-Nassr.
De Gea hadda waa xiddig xor ah laakiin wali waxa uu sii joogi karaa Old Trafford hadii uu ogolaado in uu sii joogo kooxda.
Si kasta ha ahaatee dalabka uga imanaya horyaalka sucuudiga ayaa ah mid soo jiidanaya De Gea maadama uuna noqon doonin dookha 1-aad ee Kooxda Man United.
Sida laga soo xigtay SunSport, De Gea ayaa laga yaabaa in uu xilli ciyaareedka dambe ka ciyaaro horyaalka sucuudiga.
De Gea waxa uu United ku soo biiray 2011-kii,waxana uu u saftay 545 kulan,waxana uu kula guuleystay horyaalka Prem 2012-13.

Related



Source link