Kooxda West Ham ayaa Declan Rice ka saartay Sawiro ay ku daabaceen maaliyada kooxda oo ay ugu tala galeen taageerayaasha kooxda.
Waa fariin cad oo muujinaysa in kabtanka West Ham ku dhawyahay in uu dhamaystiro ku biirista kooxda Arsenal iyada oo Man City ka hadhay tartanka xiddiga.
Kooxda Arsenal ayaa ogolaatay in ay bixiso lacag dhan 105 milyan oo euro si ay u helaan saxiixa iyada oo xiddigu isku diyaarinayo in uu noqdo xiddigii ugu dambeeyay ee Arsenal.
Sida kooxaha kale ee premier League West Ham ayaa sii wada iibinta maaliyadihii xilli ciyaareedkii hore iyaga oo taageerayaashooda u sameeyay maaliyado ay ku sawiran yihiin xiddigaha kooxda.
Laakiin waxa meesha ka maqan xiddiga Rice kaas oo ku dhaw in uu ku biiro kooxda Arsenal iyada oo Kabtanka West Ham ku dhawyahay in uu lacag rikoodh ah ugu biiro.
Related