Nicolas Jackson ayaa daaha ka qaaday inuu talo waydiistay Sadio Mane ka hor inta uusan u dhaqaaqin Chelsea, waxaana uu qiimeyn cajiib ah ka helay tababaraha cusub ee Mauricio Pochettino.
Xiddiga 22 jirka ah ayaa ku biiray chelsea jimcihii kadib markii uu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay Villarreal.
Chelsea ayaa saxiixa xiddiga ka dhigtay midkii 2-aad ee xagaaga iyaga oo ku garaacay kooxda Bournemouth oo doonaysay saxiixiisa.
Jackson ayaa sheegay in uu chelsea ugu biiray sabab la xidhiidha awooda tababare Pochettino uu ku horumarin karo xiddigaha da’yarka ah.
“Waxaan kala hadlay Sadio Mane isaga, aad ayuuna uga hadlay isaga, waxyaabo cajiib ah ayuu ka sheegay isaga”ayuu jackson yidhi.
“Sadio waxa uu ii sheegay in tababaruhu yahay mid i horumarin kara, hadii aan dhagaysto waxa uu ii sheegay in aan noqon doono midka ugu fiican”.
Related