Faahfaahinta qandaraaska weyn ee Kai Havertz uu ugu biiray kooxda Arsenal ayaa shaaca laga qaaday.
Wargeyska Bild ee ka soo baxa Jarmalka ayaa sheegaya in xiddiga reer Germany uu kooxda Arsenal ugu soo biiray mushahar saandkii ah 22 milyan oo euro.
Havertz ayaa todobaadkii jeebka ku shubanaya lacag dhan 420,500 kun oo Gini todobaadkii halka uu sidoo kale helayo gunooyin dheeraad ah.
Thomas Partey ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa ciyaaryahankii hore ee ugu mushaarka badnaa Arsenal isaga oo jeebka ku shuban jira lacag dhan 13 milyan oo euro sanadkii ama 250 kun oo Gini todobaadkii.
Havertz ayaa noqday xiddigii ugu mushaharka badana ee Arsenal tan ilaa markii ay kooxda ka tageen Pierre-Emerick Aubemeyang & Mesut Ozil.
Xiddiga Havertz ayaa la kulmi doona xiddigaha Arsenal todobaadka soo socda marka uu soo qaatao dhawrka maalin ee fasaxa waxana uu diyaar u noqon doonaa safarka ay kooxdu ku tagayso Maraykanka.

Related



Source link