Kooxda Liverpool ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda RB Leipzig ee Dominik Szoboszlai sida ay sheegayaan wararku.
Fabrizio Romano ayaa xaqiijiyay heshiiska ay Liverpool kula wareegayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Dominik Szoboszlai la dhamaystiray.
Liverpool ayaa kooxda RB Leipzig ku war galisay in ay bixin doonto lacagta lagu bur-burinayo heshiiskiisa kooxda.
Reds ayaa saacadaha soo socda bixin doonta lacagtaas si ay heshiis uga saxiixato xiddiga khadka dhexe.
Kooxda Klopp ayaa haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga Dominik Szoboszlai waxana uu isku diyaarinayaa in uu tijaabada caafimaadka u maro kooxda.
Sii Akhriso: Ra’iisal Wasaaraha Dawlada Federaalka Somaliya ee Hamza Abdi Fariin U Diray Shacabka Somaliyeed Sabab La Xidhiidha Maalinta Xoriyada.
Related