Agaasimaha Inter Milan ee Giuseppe Marotta ayaa xaqiijiyay qorshaha Manchester United ay kula soo saxiixaneyso goolhaye Andre Onana, waxaana uu rajeynayaa in dalab rasmi ah ay ka helaan kooxda maalmaha soo socda.
Iyadoo mustaqbalka David de Gea ee Old Trafford aan la hubin, United ayaa sare u qaaday raadinta Goolhaye Cusub toddobaadyadii la soo dhaafay.
Goolhayaha Brentford ee David Raya & Goolhayaha Fc Porto ee Diogo Costa ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayay United laakiin Onana oo horay ula soo shaqeeyay Erik Ten Hag ayaa ku dhaw ku biirista United.
Wararka ayaa sheegaya in ay maamulka Man United la kulmeen dhigooda Inter jimcihii iyada oo agaasimaha Inter xaqiijiyay wadahadalada dhexmaray labada dhinaca.
“Manchester United ayaa noo xaqiijisay inay xiisaynayso Andre Onana”ayuu Moratta yidhi.
“Waxaan sugeynaa dalabka Rasmiga ah maalmaha soo socda ka dibna waxaan go’aansan doonaa sida aan uga falcelinno isla markaaba”.
Inter ayaa la rumaysanyahay in ay dalbanayaan 50 milyan oo euro si ay u fasaxaan Goolhayohooda.
Sii Akhriso: Cabdirisaaq Khaliif Oo Shaaciyay Wakhtiga Ay SSC-Khaatumo Somaliland Ka Saari Doonto Laasacaanood.

Related



Source link