Kooxda Man United ayaa laga diiday dalab Rasmi ah oo ay ka gudbiyeen xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Atalanta ee Rasmus Hojlund sida ay sheegayaan wararku.
Man United ayaa Rasmus Hojlund u calaamadsatay bartilmaameedkooda 1-aad ee weerarka suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo uu Ten Hag taageere u yahay xiddiga.
Sida laga soo xigtay Corriere dello Sport , Atalanta ayaa Man United ka diiday dalab lacageed oo dhan 35 milyan oo ay ku doonaysay xiddiga Rasmus Hojlund,
Kooxd Atalanta ayaan ku qancin dalabka ay Man United ka gudbisay weeraryahanka aadka loo qiimeeyo maadama ay ku qiimeeyaan lacag intaas ka badan.
Isla wargayska ayaa sheegaya in ay kooxda Atalanta dalbanayso ugu yaraan 45 milyan oo euro si ay u fasaxdo xiddiga weerarka ka ciyaara ee Rasmus Hojlund.
Rasmus Hojlund ayaa wacdaro ka dhigaya kooxdiisa iyo xulkiisa Denmarka waana xiddiga ugu goolasha badan tartanka is reeb-reebka Euro 2024 isaga oo dhaliyay 5 gool.
Related