Kooxda chelsea ayaa bilowday in ay suuqa u gasho badalka xiddiga Moises Caicedo sabab la xidhiidha qiimaha ay Brighton doonayso in ay ku ii iso xiddiga.
Chelsea ayaa aad ugu baahan xiddig khadka dhexe ah maadama ay iska fasaxday xiddigaha Mount oo ku dhaw Man United iyo Kovacic oo ku biiray Man City halka uu Kante qaab xor ah uga tagay kooxda.
Tababaraha cusub ee chelsea Mauricio Pochettino ayaa xiddiga Moises Caicedo u calaamadsaday bartilmaameedka 1-aad iyada oo Blues haatanba laga diiday dalabkii furitaanka ahaa.
Sida laga soo xigtay Evening Standard, Brighton ayaa doonaysa in ay xiddiga ku iibiso 100 milyan oo euro halka ay Chelsea aaminsantahay in uu u qalmo 80 milyan oo euro.
Laakiin wadahadalada ayaa u muuqda kuwo aad u adag iyada oo ayna labada kooxooba diyaar u ahayn in ay is badal ka sameeyaan dhinacooda
Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Chelsea u leexan karto in ay 33 milyan kula wareegto xiddiga kooxda Everton ee Amadou Onana.
Sii Akhriso: Cabdirisaaq Khaliif Oo Shaaciyay Wakhtiga Ay SSC-Khaatumo Somaliland Ka Saari Doonto Laasacaanood.
Related