Madaxa fulinta Manchester City Ferran Sorriano ayaa ku adkeysanaya in kooxda heysata horyaalka Premier League aysan bedeli doonin istiraatiijiyadooda suuqa kala iibsiga ka dib markii ay isaga baxeen tartanka saxiixa Declan Rice.
Kooxda heysata horyaalka Premier League ayaa u muuqatay inay diyaar u tahay inay Arsenal kula tartanto saaxiixa xiddiga khadka dhexe waxana ay xitaa ka gudbiyeen dalab 90 milyan ah oo ay diiday West Ham.
Man City ayaa ugu dambayn diiday in ay la mid noqoto dalabkii 3-aad ee Arsenal oo ahaa 105 milyan oo euro taas oo keentay in ay Arsenal ku guulaysato saxiixa xiddiga.
Ma ahan markii ugu horaysay ee ay Man City ka baxdo tartanka xiddig ay doonayso waxana jira xiddigo ay ka mid yihiin Kalidou Koulibaly, Alexis Sanchez & Marc Cucurella.
Sorriano oo sharaxaya istaraatiijiyadda kooxda Man City ayuu yidhi”Haddii aad eegto waxa aan samaynay bilawgii mashruucan, waxaa jiray baahi badan oo isbeddel iyo maalgashi – laakiin sidaas ma dhacayso mar kale”.
“Haddii aad eegto waxa aan sameynay shantii sano ee la soo dhaafay, heerka maalgashi ee ciyaartoyda cusub si fiican ayaa looga fekeray”.
Sii Akhriso: Ra’iisal Wasaaraha Dawlada Federaalka Somaliya ee Hamza Abdi Fariin U Diray Shacabka Somaliyeed Sabab La Xidhiidha Maalinta Xoriyada.

Related



Source link