Kooxda Inter Milan ayaa war rasmi ah oo ay soo saartay maanta oo Jimce ah ku sheegtay in laacibkeeda Milan Skriniar uu ka tagay kooxda.
Skriniar waxa uu 6 xilli ciyaareed la soo ciyaaray Inter Milan, tan iyo xagaagii 2017, waxaanu kula guulaystay afar koob
Skriniar wuxuu u saftay Inter 246 kulan wuxuuna dhaliyay 11 gool lixdii xilli ciyaareed ee uu joogay.
Sida ay sheegayaan wararka, Skriniar ayaa la filayaa inuu beeca xorta ah ugu biiro Paris Saint-Germain, iyadoo kooxdu ay ku dhawaaqi doonto heshiiska toddobaadka soo socda.
Related