Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa Declan Rice u calaamadsaday bartilmaameedka 1-aad ee suuqa kala iibsiga xagaagan.
Gunners ayaa ku guulaystay saxiixa xiddiga kadib markii ay West Ham kala heshiisay qiimaha xiddiga iyada oo haatan hadhay kaliya in lagu dhawaaqo heshiiska.
Sida laga soo xigtay London World, Arteta ayaa Rice ku casuumay gurigiisa si uu ugala hadlo mustaqbalkiisa.
Tababaraha ayaa xiddiga kala hadlay qaabkii uu ugu soo bixi lahaa shaxda Gunners xilli ciyaareedka dambe.
Xiddiga 24 jirka ah ayaa Arsenal ugu biiri doona lacag dhan 105 milyan oo euro iyada oo lacagta inteeda badan halka hore laga badinayo.
West Ham ayaa rajaynaysay in ay lacag intaas ka badan ka samayso xiddiga waxana ay isku dayday in ay tartanka ku casuunto kooxaha Man United iyo Man City laakiin labada kooxood ayaan ogolayn in ay bixiyaan lacag badan.
Sii Akhriso: Kitaab Quraanka Kariimka Ah Oo Lagu Gubay Dalka Sweden, Sabab.

Related



Source link