Manchester United ayaa rajo ka qabta inay dhameystirto heshiiska ay Chelsea kula soo wareegeyso Mason Mount ka dib markii ay Chelsea ku war galiyeen in ay diyaar u yihiin in ay horumariyaan dalabkoodii ugu dambeeyay oo ahaa 55 milyan.
Chelsea ayaa Man United ka diiday dalab 55 milyan ah oo ay xiddiga 24 jirka ah ku doonayso.
United ayaa dareensan in ay dalab fiican ka gudbisay xiddiga oo ku jira 12-kii bilood ee uu dambeeyay heshiiskiisa kooxda.
Chelsea ayaa doonaysa in ay hesho lacag dhan 67 milyan oo euro si ay u fasaxdo xiddiga kadib markii ay United ka diiday dalabka 55 ah.
Si kasta ha ahaatee United ayaa aqbashay in mustaqbalka Mount uu yaalo Old Traffrord waxana ay doonaysa in ay dhamaystirto heshiiskiisa ka hor Isniinta inta uuna ku soo laaban tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Sida laga soo xigtay Maili Online, Man United ayaa wadahadalo la furtay chelsea waxana ay u sheegtay in ay diyaar u tahay in ay bixiso dalabka 65-ka milyan ee ay Blues doonayso si ay u dhamaystirto heshiiska.

Related



Source link