Saxiixa cusub ee Manchester City Mateo Kovacic ayaa lagu qiimeeyay mid ka mid ah ciyaartoyda khadka dhexe ee ugu xun xilli ciyaareedkii 2022-23 ee Premier League.
MAXAA DHACAY? Xiddig Khadka dhexe ee Salaasadii ka tagay chelsea kuna biiray Man City ayaa lagu qiimeeyay ciyaartoyda khadka dhexe ee ugu qiimaynta xun Premier League xilli ciyaareedkii sida laga soo xigtay WhoScored.
Liiska ay ku jiraan, WhoScored ayaa qiimeynta 6.48 siisay xiddiga cusub ee Manchester City. Kovacic ayaa liiska ugu hooseeya kaga jira Remo Freuler, Lewis Cook iyo Ryan Yates.
SAWIRKA WEYN: Kovacic ayaa shan xilli ciyaareed ku qaatay Chelsea isagoo markii ugu horreysay ku biiray 2018 amaah uu kaga yimid Real Madrid ka hor inta uuna qaab toos ah ugu biirin, Waxa uu ka soo muuqday 37 kulan oo uu u saftay Blues tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii hore halkaas oo uu u dhaliyay 2 gool sidoo kale caawiye ka noqday 2 kale xilli ay kooxdu ku dhamaystay xilli ciyaareed niyad jab ah iyada oo ku jirta kaalinta 12-aad ee kala saraynta.
MAXAA Xiga MATEO KOVACIC: Kovacic ayaa isku diyaarin doona kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee City, iyadoo kulankooda ugu horeeya ay la ciyaari doonaan Bayern Munich 26ka July.
Sii Akhriso: Dalka Turkey-ga Oo Ka Fal Celiyay Kitaabkii Lagu Gubay Dalka Sweden Maalintii Ciida

Related



Source link