Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay mar kale la soo wareegto xiddiga Real Madrid ee Federico Valverde.
Reds ayaa laga diiday dalab 51 milyan oo euro ay ku doonayso xiddiga khadka dhexe bilowgii bishan oo ay isku dayeen in ay heleen saxiixa xiddiga.
Klopp ayaa suuqa ugu jira xiddig khadka dhexe ah waxan uu xiddiga reer Uruguay u calaamdsaday xiddiga uu doonayo in uu ku xoojiyo khadkiisa dhexe.
Hadda, Liverpool ayaa isku diyaarinaysa inay dalab 77 milyan ah ka gudbiso saxiixa xiddiga khadka dhexe sida laga so xigtay El Nacional.
Fursadaha ciyaarista Valverde ee Real Madrid ayaa laga yaabaa in ay yaraato sabab la xidhiidha imaatinka xiddiga Bellingham halka heshiis cusub laga saxiixday xiddigaha Modric iyo Kroos.
Liverpool ayaa xiddiga 24 jirka ah u aragta mid si weyn u caawinaya kooxda iyo dib u dhiska khadka dhexe ah ee ay waddo.

Related



Source link