Kooxda chelsea ayaa diyaarinaysa qorshe ka caawinaya in ay ku guulaystaan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton ee Moises Caicedo.
Chelsea ayaa doonaysa in ay xiddiga Mason Mount u adeegsato soo xero galinta xiddiga Moises Caicedo sida ay sheegayaan wararku.
Xiddiga Mount ayaa doonaya in uu ka tago kooxda chelsea inta lagu jiro suuqa xagaagan kadib markii uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda isla markaas lala xidhiidhinayo kooxda Man United.
Brighton ayaa doonaysa in ay 80 milyan oo euro ku iibiso xiddiga Moises Caicedo waxana ay haatanba chelsea ka diiday dalab Rasmi ah oo furitaan ah.
Sida laga soo xigtay The Guardian, chelsea ayaa doonaysa in ay ogolaato iibka xiddiga Mount si ay ugu dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Moises Caicedo.
Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay hoos u dhigto qiimaha ay Mount ku iibinayso si ay ugu fududaato dhamaystirka saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Moises Caicedo.

Related



Source link