Kooxda Arsenal ayaa Kai Havertz ka ciyaarsiinaysa Booska Bidix ee khadka dhexe xilli ciyaareedka dambe.
Gunners ayaa ku fashilantay ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedkii hore.
Kooxda ka dhisan North London ayaa haatan suuqa galisay lacag 65 milayn ah iyaga oo Arbacadii ku dhawaaqay saxiixa xiddiga Kai Havertz.
Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ayaa Havertz ka ciyaarsiin doona booska khadka dhexe isaga oo ka garab ciyaarsiin doona xiddiga Martin Odegaard.
Granit Xhaka ayaa la filayaa in uu isaga tago kooxda Arsenal iyada oo Gunners doonayso in ay iska iibiso inta lagu jiro suuqa xagaagan.
Sidaas darteed Arteta ayaa Havertz u sheegay in uu xilli ciyaareedka dambe ka ciyaarsiin doono khadka dhexe gaar ahaan No.10 oo ah booska ka dambeeya weeraryahanka.
Related